1593 Views

Maamulka G/Banaadir Oo Baaq U Diray Laamaha Amniga

Maamulka G/Banaadir Oo Baaq U Diray Laamaha Amniga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  May  01, 201, 2019 —Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti ayaa ugu baaqday Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya in ay dulqaad u muujiyaan shacabka culeys kasta oo soo wajaha, xilliyada ay ku jiraan howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada Muqdisho.

 

Marwo Basmo ayaa sheegtay in la guda gali doono xilliga Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiyada sare iyo Soonka, loona baahan in loo turo shacabka Soomaaliyeed

 

Dhinaca kale Maxamed C/laahi Tuulax guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in guddoomiyeyaasha degmooyinka looga baahan yahay in ay kalsooni ka sameystaan shacabka, si uu u hagaaga ammaanka M/Muqdisho.

 

Hadalkan aya ku soo aadaya, xilli Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay Caasimadda ka wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga degmooyinka gobolka Banaadir.

 

 

xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment