696 Views

Siciid Cabdullaahi Deni oo ka tacsiyeeyay geeridii wasiir ku xigeenkii Hawlaha guud ee Puntland

Siciid Cabdullaahi Deni oo  ka tacsiyeeyay geeridii  wasiir ku xigeenkii Hawlaha guud ee Puntland
____________________________________________________________________________


isniin: August 9, 2021

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida wasiir ku xigeenkii Hawlaha guud iyo Gaadiidka Puntland Asad Xuseen Xaashi oo saaka ku geeriyooday magaalada Garoowe.

Madaxweyne Deni ayaa qoraal uu soo saaray uga tacsiyeeyay dhammaan ummada Soomaaliyeed, Shacabweynaha Puntland iyo Golaha Xukuumadda Puntland, uga Tacsiyeeynaya geerida ku timid marxuumka oo maalmihii u dambeeyay xanuunka COVID-19 u jiifay.

Waxaan dhammaan ummada Soomaaliyeed, Shacabweynaha Puntland iyo Golaha Xukuumadda Puntland, uga Tacsiyeeynaya geerida Alle ha u naxariistee Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee Puntland Asad Xuseen Xaashi oo ku geeriyooday Garoowe.”

Marxuumku waxa uu ahaa masuul usoo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa, waxaana alle uga baryaya inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay” ayuu yiri madaxweyne Dei

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post