2007 Views

RW Khayre oo lakulmay lataliya xagga Amniga ee madaxweyne Donald Trump

RW Khayre oo lakulmay lataliya xagga Amniga ee madaxweyne Donald Trump
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 10, 2019 – Kulan dhexmaray lataliya xagga amniga ee madaxweyne Donald Trump Mr. John Bolton iyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka dhacay Aqalka Cad ee looga Arimiyo dalka Mareykanka.

La taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka, John Bolton ayaa war kooban kasoo saaray kulan uu Aqalka Cad ee Mareykanka maanta kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Qoraal kooban oo Mr John Bolton soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu ku yiri “Waxaan aad ugu faraxsanahay in maanta aan marti-geliyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,Mudane Xasan Cali Kheyre, waxaana ugu hambalyeeyey is-beddelada dhaqaale ee Soomaaliya, aniga oo ku booriyey inay si joogto ah usii wadaan.”

Bolton ayaa sidoo kale sheegay in isaga iyo RW Kheyre ay ka wada-hadleen “sida lagu soo dheereyn karo xiriirka xooggan ee Mareykanka iyo Soomaaliya ay ka wadaagaan arrimaha muhiimka ah oo ay ku jiraan ka hor-tagga argagixisanimada iyo xasiloonida gobolka.”

 

 

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment