894 Views

Wiil Dhalinyaro ahaa oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Wiil Dhalinyaro ahaa oo lagu dilay Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 1, 2020–Askari ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Isgoyska Siinaay qeybta degmada Warta-nabada ayaa la sheegay in saakay uu dil u geystay Wiil dhalinyaro ahaa.

Wiilka la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Abuukar Tuuryare ayaa la sheegay in subaxdii uu kasoo baxay Hoygiisa,isla markaana uu sagootinayay qof Eehelkiisa ah oo baxayay,hayeeshee askri uu dilay.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxay dilka Wiilka dhalinyarada ah,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in shaki uu dilka ku dhacay halka warar kale ay tibaaxayaan in khilaaf uu soo kala dhex-galay Askariga iyo Wiilka la dilay oo ay wada murmeen.

Wararka ay heshay Idaacadda Risaala ayaa waxaa ay sheegayaan in Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay ay Ilma adeer yihiin Taliyihii hore ee NISA Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare,waaana qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook uu ku sheegay in uu isaga gacanta ku haayay agtiisana qaali uu ka ahaa.

“Alaha u naxariisto wiil firfircoon oo aan gacanta ku haayay aana barbaariyay sanadkaana Jaamacada gelaaaya ayuu ahaa oo ubax soo baxaaya ah, saaka curadkeygi oo dhintay oo kale ayay ii xanuunjisay geeridiisu ama iiga darantahay, aabihiisna alaha asna u naxariistee qaali ayuu igu ahaa oo jaceylka aan u qabo ayaa halkaas kasoo jeeda oo aan ka shinsanaayay.

Alaha u naxariisto walaalkey Maxamed Abuukar Tuuryare oo saakay gacan ka xaqdarani dishay, kuwaas dilay oo ka tirsan ciidanka Dowlada.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in askariga dilka geystay uu goobta ka baxsaday,isla markaana meydka Wiilka dhalinyarada ahaa ay gobta ka qaadeen Ehelkiisa iyo Ciidamo Boolis ah,isla markaana la geeyay Xarunta dambi baarista ee CID-da.

Maamulka degmada Wartanabada iyo Hay’adaha Ammaanka weli wax faah faahin ah kama bixin dilka sakriga uu u geystay Wiilka dhalinyarada ah,hayeeshee Ciidamada ayaa inta badan sibareer ah u dila dadka Shacbaka ah.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment