627 Views

Xafiiska farmaajo oo beeniyay inay fashilmeen wadahadalladii u dhexeeyay Ra’iisal Wasaare Rooble

Xafiiska farmaajo  oo  beeniyay inay fashilmeen wadahadalladii u dhexeeyay  Ra’iisal Wasaare Rooble
____________________________________________________________________________


September 24, 2021

Saacado kadib markii Mas’uul  ka tirsan maamulka Galmudug uu shaaciyay in ay fashilmeen wada hadaladii u dhaxeeyay Rooble iyo farmaajo ayaa waxaa arintaas jawaab ka  bixiyay Villa Somaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay markii ugu horaysay Villa Somaliya ayaa lagu beeniyay arintaas oo lagu tilmaamay waxba kama jiraan, laguna sheegay in uu Jiro rajo heshiis ah.

Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa beeniyay inay fashilmeen wadahadalladii u dhexeeyay madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Rooble oo isbuucyadii dhawaa uu dhexmaray khilaaf ballaaran oo saaameyn ku yeeshay howlaha dolwadda.

Warka saakay la shaaciyay ayaa muujinayay  in ay guuldareysteen dadaalo lagu doonayay in lagu soo afjaro khilaafka u dhaxeeya madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dadaalkan ayaa waxaa gar-wadeen ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), sida horey loo baahiyay.

Wasiir dowlaha madaxtooyada Galmudug Cumar Axmed Shido ayaa baraha bulshada ku faafiyay inay “fashil ku soo dhamaadeen” dedaaladii ugu dambeeyay ee lagu xalinayay khilaafka labada masuul.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post