807 Views

Booliiska Puntland oo xabsiga dhigay askar ka tirsan daraawiishta Puntland

Booliiska Puntland oo xabsiga dhigay askar ka tirsan daraawiishta Puntland
____________________________________________________________________________

hamiis: January 6, 2022

Wararka ka imaanaya Magaalada Qardho ayaa sheegaya in ciidamada Booliiska ay xabsiga u taxaabeen 13 askari oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Askar ka tirsan Daraawiishta, ayaa la sheegay in xalay ay  isku-dayeen in ay xoog kula baxaan hub ku jiray xarunta Tababarka Ciidamada Xorgoble, hayeeshee arrintaasi ay ka hortageen ciidamada Booliska. sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in Is-rasaasayn ay dhexmartay labada dhinac, balse ma jirin khasaaro ka dhashay dagaalkaasi, waxaana Amniga Xarunta la wareegay Booliiska oo kaashanaya ciidanka Madaxtooyada Qardho.

20 askari oo isku-daygaas ku eedaysan ayaa 13 kamid ah gacanta lagu dhigay, halka 7 kalena ay goobta isaga baxsadeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post