360 Views

Koofur galbeed oo maanta diiwaangelineysa musharixiin u taagan lix kursi oo taala Baydhabo.

Koofur galbeed oo maanta diiwaangelineysa musharixiin u taagan lix kursi oo taala Baydhabo.
____________________________________________________________________________

Talaado: March 8, 2022

Guddiga maamulka doorashooyinka Koonfur galbeed ayaà maanta billaabay diiwaangelinta musharixiin ku tartamaya kuraas taala Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Kuraasta maanra ay Guddigu diiwaangelinayaan ayaa gaareysa Lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Kuraasta la diiwaangelinayo tirsigooda waxaa ay kala yihiin: Hop#261, Hop#167, Hop#168, Hop#099, Hop#077 iyo Kursiga Hop#186.

Kuraastaan lixda ah oo ay Guddigu diiwaangelinayaan maanta waxaa qeyb ka Kursiga HOP#261, kaas oo uu haatan ku fadhiyo Cabduqaadir Shariif Xasan oo ah wiil uu dhalay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya sidoo kalena soo ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee Dowlad Goboleedka Koofur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan kaas.

Guddoomiye Shariif Xasan, waxaa uu damac kaga jiraa in kursiga HOP#261 uu ku tartamo si uu ugu soo baxo, balse waxaa uu culeys kala kulmayaa Madaxweyne Lafta gareen oo kursigaas u diidan isagoo la rabo musharax kale, maadaama safar uu ku tagi lahaa Magaalada Baydhabo laga hor-istaagay.

.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post