225 Views

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya qaraxii shaley ka dhacay Balad Weyne iyo meydka aggaasimihii waaxda dhulka ee dowladda hoose oo la helay.

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya qaraxii shaley ka dhacay Balad Weyne iyo meydka aggaasimihii waaxda dhulka ee dowladda hoose oo la helay.
____________________________________________________________________________

Talaado: OCTOBER 4, 2022

Magaalada Balad Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa wali waxaa ka socda hawlgal lagu baadi goobayo dad la la’aa tan iyo shaley, kuwaasoo loo maleynayo iney ku dumeen dhismayaashii ku burburey qaraxyadii saddexda ahaa ee magaaladaasi gilgilay.

Saaka dhismaha hoose ee dowladda, ayaa waxaa laga helay meydka aggaasimihii waaxda dhulka ee dowladda hoose ee magaalada Balad Weyne Eng Dhageey.

Dhinaca kale booliiska, ayaa hawlgal dhinaca amniga ah ka hawada magaalada, waxaana la xiray waddooyinka qaar, iyo buundooyinka.

Xaaladda Balad Weyne, ayaa haatan dagan, iyadoo uu adkaa isu socodka qeybo kamid ah ee magaalada.

Xaley fiidnimadii ayey ciidamada ammaanku ay kusoo rogeen Bandow magaalada, isagoo socda illaa iyo maanta.

Gaadiidka ayaa laga joojiyey iney maraan buundooyinka, iyo sidoo kale iney gaaraan xarumaha dowlada ee magaalada Balad Weyne.

Dad dhawr ah ayaa loo qabqabtey amaan darada ka jirtay waa yadan magaalada, laakiin booliiska ma aanu carab baabin tiradooda.

Sidoo kale, dadkii uu ka burburey dhismayaasha ganacsiga shaley, ayaa maanta tagey goobahoodii, iyagoo quud dareynaya iney wax un ka hareen hantidoodii.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post