840 Views

Rooble oo si weyn u soo dhaweeyay shaacinta jadwalka 9 kursi xildhibaanada Golaha Shacabka Gobollada Waqooyi

Rooble oo  si weyn u soo dhaweeyay shaacinta jadwalka 9 kursi xildhibaanada Golaha Shacabka Gobollada Waqooyi
____________________________________________________________________________

Axad: November 14, 2021

Saacado kadib Markii qaar ka mid ah Xildhibaanada Gobolada Waqooyi la shaaciyay goorta ay dhacayso, waxaa arintaas ka hadlayRooble waxa uuna hambalyo u diray Gudigii arintaas maanta shaaciyay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si weyn usoo dhaweeyay shaacinta jadwalka 9 kursi oo kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo jeeda gobollada Waqooyi, taasi oo la qabanayo toddobaadkan gudihiisa.

Rooble ayaa guddiga doorashooyinka SEIT ee Somaliland uga mahadceliyay shaacinta jadwalka kuraastaa, isagoo ku amaanay doorka ay ka qaateen bilowga doorashada Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu markale faray madaxda dowlad goboleedyada inay bilaaban doorashada Golaha Shacabka, oo dhawaan si hordhac ah uga bilaabatay dalka, xili lasoo gebagabeeyay doorashadii Aqalka Sare.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post