759 Views

Sidee ayay ciidamada Hindiya ugu diyaarsan yihiin hanjabaadaha uga imaanaya Shiinaha?

Sidee ayay ciidamada Hindiya ugu diyaarsan yihiin hanjabaadaha uga imaanaya Shiinaha?
____________________________________________________________________________


khamiis: October 14, 2021

Jimcihii, Ciidamada Cirka Hindiya ayaa u dabaal degay sanadguurada 89-aad ee Maalinta Koboca, si la mid ah sanad walbana, waxay munaasabaddan oo ka dhacday saldhigga Hindon ku soo bandhigeen awooddooda.

Khudbad uu munaasabadda ka jeediyay, madaxa ciidamada cirka VR Chowdhury, ayaa wuxuu yiri, “Marka aan eego arrinta ammaanka ee aan maanta wajahayno, waxaan ogahay inaan hoggaanka qabtay waqti muhiim ah. Waa inaan shacabka tusnaa in ciidamada shisheeye aan loo oggolaan doonin inay rabshad ka abuuraan geyigeenna.”

Shaki kuma jiro in madaxa ciidamad

a uu xilkan qabtay xilli muhiim ah. Xiisadda muddada dheer socotay ee Hindiya kala dhaxeysa Shiinaha ma aysan qaboobin, isaga qudhiisa ayaana sheegay in Shiinuhu uu weli wado inuu ciidamo ku soo daabulo garoomo ku yaalla gobolka Tibet.

Xusuusaha diyaarad dagaal oo Pakistan ay leedahay oo soo gashay hawada Hindiya 27-dii February 2019 ayaan weli ka go’in niyadda.

Wuxuu sheegay in sanadaha soo socda, a diyaarado dagaal oo casri ah ku biiri doonaan ciidamada cirka ee Hindiya.

Balse xitaa haddii meesha laga saaro diyaaradaha duugga ah, guud ahaan tirada diyaaradaha waxay noqon doonaan 35, tobanka sano ee soo socda.

Marka inaysan heysan diyaarado dagaal oo casri ah miyaa walaac ku heysa Hindiya? Maxay tahay sababta ay ciidamada cirka ee Hindiya u keensan waayeen diyaarado dagaal iyaga oo baahiyahooda eegaya?

Isu diyaarinta soo iibsashada diyaaradda dagaalka ee 114

Ciidamada cirka Hindiya waxay heystaan ilaa 600 oo diyaaradaha dagaalka ah. Waxaa ka mid ah Sukhoi, MiG-29, Mirage 2000, Jaguar, MiG-21, Tejas iyo Rafale. Ilaa iyo haatan 26 diyaarado dagaal ayaa loo keenay kuwaas oo lagu sameeyay Faransiiska.

Ciidamada cirka Hindiya ayaa afarta sano ee soo socda waxaa howlgab ka noqon doona afar diyaaradaha nooca MiG-21 iyo Mirage 2000, Jaguar iyo MiG-29. Tan ayaa ah arrin walaaceeda leh.

Si baahidan loo daboolo, ciidamada cirka ayaa haatan bilaabay hannaanka iibsashada diyaaradaha dagaalka nooca 114.

Bishii April 2019, ciidamada cirka ayaa US$18 bilyan ku soo iibsaday diyaaradaha dagaalka ee 114. Arrintan ayaa loo arkay mid ka mid ah barnaamijyada ugu ballaaran adduunka ee diyaarado lagu soo iibinayo.

Ciidamada cirka ayaa rajeynaya in soo iibsashada 83 diyaarado dagaal ay ka caawin doonto joogteynta awooddooda.

Hubanti la’aan’

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, waxaa jiray wada hadallo ku saabsan iibsashada diyaaradaha dgaaalka ee ciidamada cirka. Sidaas darteed maxay keenay xaaladda ay haatan ku sugan yihiin ciidamada Hindiya?

Prashant Dixit oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada cirka Hindiya ayaa sheegay in dhibaatadu ay soo billaabatay markii inta la soo iibsan lahaa diyaaradaha dagaalka nooca 126, la soo iibsaday keliya 36 diyaaradaha nooca Rafale.

Wuxuu leeyahay, “Dhibaatooyinka ciidamada cirka Hindiya halkaas ayay ka soo bilaabatay. Dowladda waxaa haatan diiradda u saaran diyaaradaha dagaalka ee Tejas. 40 Tejas ah ayaa la dalbaday iyadoo 83 kalena la sheegya in la soo iibinayo. Waxay qaadan doontaa toban sano oo hadda soo socota.”

Dowladda Hindiya ayaa sanadkii 2007 sheegtay inay bilowday hannaanka soo iibsashada 126 diyaaradaha dagaalka nooca (MMRCA). Qiimaha diyaaradahaas waxaa lagu qiyaasay ilaa $ 20 bilyan. Diyaaradaha nooca Rafale ayaa tartanka ku guuleystay makrii la kala dooranayay, balse sanakdii 2015, ayay dowladdu go’aansatay inay soo iibsato 26 diyaaradaha dagaalka Rafale iyadoo heshiis toos ah la gashay dowladda Faransiiska.

Dixit ayaa yiri, “Dowladdu waxay haatan soo iibsaneysaa Mirage 2000 oo duug ah. Ujeeddadu waxay tahay in qeybo ka mid ah diyaaradahan duugga ah loo adeegsna karo diyaaradaha kale ee Mirage.”

Marka laga hadlayo xaaladda yaraanta diyaaradaha dagaalka, wuxuu sheegay inaan la iska indho tiri karin inay hubanti la’aan ku keeneyso ciidamada cirka.

Qiime sare iyo waqti dheer

Khubarrada ayaa aaminsan in iyadoo ay sii kordheysay tayada farsamo ee diyaaradaha dagaalka 20-kii sano ee la soo dhaafay, uu qiimahoodu sare u kacay, isla markaana ay dhib ku noqoneyso dalalka soo koraya sida Hindiya inay iibsadaan diyaaradahaas qaaliga ah.

Diyaaradaha 36 Rafale ee ay Hindiya ka soo iibsatay Faransiiska qiimahoodu waa Rs 59,000 crore, arrintan ayaana dalkaasi ka dhalisay muran.

PK Barbora oo howlgab ka noqday ciidamada cirka ayaa sheegay in iibsashada diyaarado dagaal ay waqti dheer qaadaneyso “mana aha sida inaad diyaarad ka soo iibsan karto dukaanka sida gaari”.

Khatar ka imaaneysa Shiinaha

Iyadoo ciidamada cirka Hindiya ay la harjadayaan kordhinta awooddooda, dhanka kale Shiinaha ayaa heysata labo jibbaar diyaaradaha dagaalka ee Hindiya ay heysato.

Marka la eego xiisadda ka dhaxaysa labada dal, walaacu wuxuu yahay waqtiga iyo in ciidamada cirka Hindiya ay wajihi karaan hanjabaadaha Shiinaha.

Dixit ayaa aaminsan inay aad u yar tahay filashada dagaal ka dhex qarxa Hindiya iyo Shiinaha. “Haddii ay tan dhacdana, caawinaad ayay ciidamada cirka Hindiya ka heli karaan dalalka kale.”

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post