969 Views

Deeqda waxbarasho ee Hormuud Telecom oo sanadkii 3aad la bixinayo

Deeqda waxbarasho ee Hormuud Telecom oo sanadkii 3aad la bixinayo
____________________________________________________________________________

talaado: August 3, 2021

Afar boqol oo arday oo kasoo baxday dugsiga sare ee iskuulaadka dalka ayaa u fadhiisatay imitixaanka deeqda waxbarasho oo sanad waliba ay bixiso hay’ada Hormuud salaam foundation.

Xaflad lagu daah furayay ayaa lagu qabtay mid kamid ah xarumaha waxbarashada jaamacada Muqdisho waxaana kasoo qeyb galay masuuliyiin katirsan wasaarada waxbarashada Dowlada, Maamulka hay’ada hormuud Salaam Foundation iyo Madaxda Jaamacada Muqdisho.

ugu horeen munaasabadaasi ayaa waxaa ka hadlay Dr Mahdi Maxamed Abuubakar madaxa xiriirka jaamacada Muqdisho kaasi oo sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay marti galiyaan in kabadan 400 oo arday ee imtixaanka deeq waxbarasho ee ay bixiso shirkada isgaarsiinta Hormuud Telecom wuxuuna sheegay in ay tahay fursad qaali ah oo la rabo in ay ka faa’iideystaan ardayda dhameysatay dugsiga saree e aan awoodin in ay iska bixiyaan lacagaha jaamacada.

Gudoomiye ku xigeenka hay’ada Hormuud Salaam Foundation oo isna xaflada ka hadlay ayaa tilmaamay in barnaamijka deeq waxbarasho oo ay bixiso hay’ada uu qeyb kayahay barnaamijyada lagu hormarinayo waxbarashada islamarkaan lagu garab istaagayo dhalinta dhameesatay dugsiga sare.

Agaasimaha Tacliinta sare ee wasaarada waxbarashada Ismaaciil Yuusuf Cusman oo gabagabadii kahadlay munaasabad ayaa ku amaanay hay’ada hormuud Salaam Foundation kaalinta ay ka qaadaneyso taagayarada waxbarasho ay siiso jiilka soo koraya isla markaana muhiim tahay in lagu daydo.

Qaar kamid ah ardaydii nasiibka u heshay in ay ufadhiistaan imtixaankan ayaa tilmaamay in ay aad ugu faraxsanyihiin ka qeyb galka barnaamijka deeqda waxbarasho ee hormuud iyaga oo rajo kamuujiyay in ay kamid noqdaan ardayda fursada u hesha in ay kafaaideestaan deeqdan

Hirgelinta Barnaamijka Deeqda Waxbarasho Ee Hormuud Telecom ayaa kaalin libaax leh ka qaadanya sidii ay kumanaan arday oo Soomaaliyeed oo dhammeeyey dugsiga sare balse awoodi waayey qarashka jaamacadda ay ku heli lahaayeen fursad ay ugu biiraan Jaamacadaha.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post