726 Views

Tahriibayaal ku geeriyooday marin biyoodka u dhaxeeya Ingiriiska iyo Faransiiska

Tahriibayaal ku geeriyooday marin biyoodka u dhaxeeya Ingiriiska iyo Faransiiska
____________________________________________________________________________


khamiis: November 25, 2021

 Ugu yaraan 31 qof oo tahriibayaal ah oo ku sii jeeday dalka Ingiriiska ayaa ku qaraqmay English Channel oo ah marin biyood u dhaxeeya dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska una dhow magaalada Calais ka dib markii ay la degtay doonidii ay la socdeen dadkaasi.Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka ayaa sheegay in falkaani uu yahay khasaarahii ugu weynaa ee hal mar ah tir badan oo dad ah ku dhintaan.

Raiisel wasaare Ingiriiska Boris Johnson ayaa sheegay inuu aad uga naxay waxa dhacay, isaga oo intaa ku daray in UK ay sameyn doonto tallaaba kasta si wax looga qabto kooxaha dadka tahriibiya.Waxaana lagu wadaa inuu guddoomiyo kulan degdeg ah oo arrintaan looga hadlayo.

Doon nooca kaluumaysiga ayaa dirtay qaylo dhaan gelinkii dambe ee maanta kadib markii dadkii doontasi kaluumaysiga saarnaa ay arkeen dadka tahriibayaasha ah ee ku qaraqmay meel u dhow xeebaha badda Faransiiska.

Masuuliyiinta Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa wada hawlgal samatabbixin ah oo cirka iyo badda ah si ay u ogaadaan haddii ay cid heli karaan.

Mr Johnson waxa uu sheegay in dhimashadu ay tahay “musiibo”, isaga oo intaa ku daray inay muhiim tahay in la “jabiyo” dadka ka ganacsada rahriibinta dadka, kuwaas oo uu sheegay in ay “si dhab ah uga baxsanayaan dilka”.Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in wax badan laga qabto sidii loo joojin lahaa dambiilayaasha abaabulan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri: “Waxaa sidoo kale muhiim ah in aan hadda sare u qaadno dadaalkeenna aan ku jebineyno qaabka ganacsi ee burcadda sidaan dadka ugu diraya badda.”Mr Johnson ayaa qiray in dadaallada ilaa hadda lagu joojinayo qulqulka muhaajiriinta isticmaalaya doomaha yar yar uu yahay mid aan ku filneyn.

Ra’iisul wasaaraha Faransiiska Jean Castex ayaa sheegay in doonida degtay ay ahayd “musiibo” dadka dhintayna ay dhibanayaal u yihiin “dambiileyaal wax tahriibiya”.”Waxaan la dareemayaa xanuunka kuwa badan oo maqan iyo kuwa dhaawacmay, oo ay dhibaateeyeen mukhalasiinta dambiilayaasha ah ee ka faa’iidaysta dhibtooda iyo dhaawacyadooda,” ayuu yiri Jean Castex.

Jean-Marc Puissesseau, oo ah guddoomiyaha dekedaha Calais iyo Boulogne, ayaa BBC-da u sheegay in 50 qof ay saarnaayeen doonta, ilaa “shan ama lix” qofna la helay ilaa iyo hadda. Tiro dad ah ayaa la rumeysan yahay inay doonyo yar yar ku gaareen UK Arbacadii maanta.Wariye ka tirsan BBC-da ayaa sheegaya in ilaa iyo hadda 25 doomood ay isku dayeen inay u gudbaan dhanka Uk saacadihii maanta.

Arrintaan ayaa imaanaysa iyadoo ay jiraan tiro badan oo muhaajiriin ah oo ka gudbaya Faransiiska kuna sii jeeda dalka Ingiriiska . In ka badan 25,700 oo qof ayaa doomo yar yar ku tagay UK,kuwaas oo ka badan marka la barbar dhigo sanadkii hore.

Marinka Dover ayaa ah marinka ugu mashquulka badan caalamka waxaana uu galaafatay nolosha dad badan oo isku dayayay in ay uga sii gudbaan dalka Ingisriiska iyagoo wata doomo la buufiyay.Waxaa loo maleynayaa in ugu yaraan 10 qof oo kale ay dhinteen dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay iyagoo isku dayaya inay halkaa ka gudbaan.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post