813 Views

Jabuuti oo dib u fureysa duulimaadyada Caalamiga ah

Jabuuti oo dib u fureysa duulimaadyada Caalamiga ah
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 17 2020–Dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday inay dhawaan dib u fureyso duulimaadyada Caalamiga ah oo markii hore loo joojiyay sababo la xiriira Cudurka Coronavirus oo kiisas kamid ah laga helay dalkaas.

Wasiirka Gaadiidka dalka Jabuuti Maxamed Muuse Axmed ayaa sheegay in 18-kii Bishii maarso ee sanadkaan ay joojiyeen duulimaadyada caalamiga ah,kadib markii kiisas badan oo Coronavirus ah laga dalka Jabuuti.

Waxaa uu sheegay in hadda dalka Jabuuti uu kiisaska COVID-19 hoos u dhacay,isla markaana ay qorsheynayaan in maalinta berito oo sabti ah ay dib u furaan duulimaadyada Caalamiga ah.

Wasiirka waxaa uu hadalkiisa intasi ku daray in dhaqaalaha dalka Jabuuti uu hoos u dhacay tan iyo markii ay joojiyeen duulmaadyada Caalamiga,hayeeshee markii ay dib u furaan ay diyaariyeen goobo looga baaro dadka garoonka kasoo dego COVID-19.

Wadanka Jabuuti ayaa waxaa uu kamid yahay dalalka Qaarada Afrika ee laga helay Cudurka Coronavirus,waxaana xayiraada dhinaca socdaalka ah ee lagu soo rogay dalkaasi uu sababay dhaqaala yari baahsan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post