933 Views

SAWIRO:-Kulan u socdo Baarlamaanka Puntland iyo mooshin horyaalla

SAWIRO:-Kulan u socdo Baarlamaanka Puntland iyo mooshin horyaalla
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 07, 2019–-Xildhibaannada Golaha Wakiilada ee baarlamaanka Puntland ayaa waxaa kulan aan caadi aheyn uu haatan uga socdaa Xaruntooda ee Magaalada Garoowe, iyada oo Xildhibaannada uu horyaallo mooshin xilka qaadis ah.

 

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominaya Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamanka Puntland Abuukaate Cabdi Casiis,waxaana xildhibaannada ay dood ka yeelanayaan mooshin la sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdi Xakiin Dhoobo-daareed ka gudbiyeen Xildhibaano gaaraya ilaa 44 Mudane.

 

Kulanka Maanta ayaa ka duwan kulamadii hore,waxaana Xarunta ay Baarlamaanka ku shirayaan xalay ka dhacay dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah,kaas oo u dhaxeeyey Ciidamada Booliska Puntland iyo kuwo ka amar qaata Guddoomiyaha Baarlamaanka.

 

Gudoomiyaha codka looqaadayo  ee Cabdixakiin Dhoobo-daareed ayaa hoolka Baarlamaanka  ka maqan,waxaana ku sugan sida la xaqiijiyey 53 Xildhibaan.

 

Shalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdi Xakiin Dhoobo-daareed waxaa uu Baarlamaanka siiyey fasax mudo gaaban ah oo ah Saddex Maalin,hayeeshee waxaa taasi diiday Guddoomiye kuxigeenka koowaad oo Maanta shir guddoominaya kulanka mooshinka uu horyaalla.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdi Xakiin Dhoobo-daareed oo la hadlayay mid kamid ah Warbaahinta ka howlgasha deegaannada Puntland ayaa sheegay in weerar ay kusoo qaaday Madaxtooyada Puntland,isla markaana Sharciga iyo Dastuurka la jebiyey.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment