651 Views

Saraakiisha Kuuriyada Koonfureed oo ku guuldareystay inay arkaan nin u dhashay Kuuriyada Waqooyi oo bishan kasoo gudbay xudduudda..

Saraakiisha Kuuriyada Koonfureed oo  ku guuldareystay inay arkaan nin u dhashay Kuuriyada Waqooyi oo bishan kasoo gudbay xudduudda..
____________________________________________________________________________

February 23, 2021

Saraakiisha Kuuriyada Koonfureed ayaa ku guuldareystay inay arkaan nin u dhashay Kuuriyada Waqooyi oo bishan kasoo gudbay xudduudda sida weyn loo ilaaliyo inkasta oo ay qabteen kameerooyinka ammaanka isla markaana uu kasoo muuqday siddeed jeer.

Ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin wax looga baddalayo howlgalka ciidamada ee aaggaas.

Ninka ayaa la sheegay in uu dabaal kaga soo gudbay badda, dharkii uu xirnaa ayaa qoyanaa, wuxuu soo lugeeyay ilaa 5 kiiloomiitar, muddo saddex saacadood ah ayay ku qaadatay in uu soo gaaro xadka sida weyn loo ilaaliyo ka hor inta aysan arkin ciidamada kadib markii sagaalaad uu kasoo muuqday kameerooyinka qarsoon ee ku rakiban xudduudda Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed.

Ma kala cadda sababta ninkaas ku khasabtay in uu gaaro go’aan ah in uu kasoo tallaabo xudduudda halista ah.

Ninka wuxuu soo maray god ku yaalla deegaanka ka caagan militeriga, militeriga Kuuriyada Koonfureed ma aysan arkin ninka, waxaa sidaas ku warrantay wakalaadda wararka ee Yonhap.

Maxaa dhacay intii uu lugeynayay ninka?

Wararka ka imaanaya Kuuriyada Koonfureed waxay sheegayaan in madaxda ciidamada ay qirteen in khalaadaad ay dhaceen 16-kii bishan Febraayo balse wax faahfaahin kama aysan bixin waxa uu ahaa ninkaas.

Lama ogo halka uu kasoo dhaqaaqay balse isaga oo qabo dharka dabbaasha ayuu yimid xudduudda dhinaca Kuuriyada Koonfureed gaar ahaan meel magaalada Goseong.

Wuxuu dharkii dabbaasha uu qabay ku qariyay dhagax, wuxuuna markii dambe garab raacay deyrta xudduudda labada dal ee ammaankeeda sida weyn loo ilaaliyo.

Militariga ayaa qabtay abbaare 7:27 wakhtiga dalkaas, wuxuu u sheegay in uu ka cabsanayo in militeriga ay dib ugu celiyaan Kuuriyada Waqooyi.

Muxuu ahaa khaladaadka amniga ah ee dhacay?

Kameerooyinka qarsoon ee ammaanka ayaa dhowr jeer qabtay ninka, waxaana soo baxay digniinta ah in qof uu kasoo tallaabay xadka, markaas wax tallaabo ah ma aysan qaadin ciidamada.

Sarkaali ka tirsan ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in sarkaalkii u qaabilsanaa qalabka dusha kala socda amniga uu ku howlanaa hagaajintiisa maadama loo maleynayay in uu ciladeysnaa.

Halka sarkaal kale oo ka tirsan ciidammada uu xilliggaas isaga hadlayay teleefoon.

Ciidamada waxay sidoo kale sheegeen in ninka uu dabbaal kaga soo gudbay xeebaha ayna caawiyeen mowjadaha badda.

Ilo wareedyo ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Yonhap in ninka uu isagu go’aansaday in uu soo baxsado isla markaana aysan jirin wax caddeyn ah oo ku aadan in uu basaas ahaa.

Waa markii labaad muddo labo bilood gudahood ah oo walaac laga muujiyo amniga xudduudda sida weyn loo ilaaliyo ee Koonfurta iyo Waqooyiga.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post