1020 Views

Jose Mourinho oo loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda kubadda cagta ee Roma.

Jose Mourinho oo  loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda kubadda cagta ee Roma.
____________________________________________________________________________

May 4, 2021

Jose Mourinho ayaa loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda kubadda cagta ee Roma.

Mourinho ayaa laga eryey Tottenham bishii April kaddib 17 bilood oo uu laylinayey kooxdaas horyaalka Ingiriiska ka tirsan.

Tababarahan reer Portugal ayaa dib ugu soo laabanaya horyaalka Serie A-da ee Talyaaniga asagoo horay labo koob kula guulaystay kooxda Inter Milan ka hor inta aanu aadin Real Madrid sannadkii 2010.

58 jir kaan ayaa baddali doona tababare Paulo Fonseca, oo reer Portugal ay isla yihiin, kaas oo kooxda Roma ay maanta ku dhawaaqday in uu kooxda ka tagi doono dhammaadka xilli ciyaareedkaan.

Kooxda Roma ee haatan Jose Mourinho in uu noqdo tababarheeda, kuma aanay guulaysan horyaalka Serie A-da Talyaaniga tan iyo sannadkii 2000 – 2001-dii, markaan oo uu tababare ka ahaa Fabio Capello

Kooxdaan oo sannadkii 1984 ku guuldarraysatay kama dambaystii koobka European Cup oo ay la ciyaaraysay kooxda Liverpool ayaa sidoo kale ku guulaysatay koobkaas sannadihii 1941-42 iyo 1982-83.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post