903 Views

Maamulka G/Hiiraan oo Ciidamo geeyey Xadka Itoobiya

Maamulka G/Hiiraan oo Ciidamo geeyey Xadka Itoobiya
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 14, 2020 –Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee aan weli xilka la wareegin Cali jeyte Cismaan iyo Saraakiisha Ciidamada Ammaanka ayaa Gaaray deegaano ku dhow xadka Gobolka Hiiraan uu lawadaago Dalka Itoobiya.

 

U jeeda Wafdiga ay u tageen deegaanada xadka ayaa waxaa lagu sheegay fulinta Awaamiirta madaxda Qaranka iyo Madaxda Hirshabeelle ee ah in Bulshada laga bad baadiyo Caabuqa Coronavirus lana xiro xaduudaha Dalka uu leeyahay.

 

 

 

Guddoomiyaha Cusub ee  Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya la xirey xadka uu Gobolka Hiiraan la wadaago Itoobiya,iyada oo la geeyey deegaannada xadka ah Ciidamo farabadan oo Boolis ah.

 

Maalin ka hor ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed waxaa uu sheegay in Xadka Gobolka Hiiraan uu yahay mid iska furan,isla markaana jaadka ka yimaada Itoobiya uu si caadi ah loo soo geliyo Gobolka Hiiraan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment