852 Views

Baarlamaanka Galmudug oo ansixiyay Sharciga Golayaasha Deegaanka Dawladaha Hoose

Baarlamaanka Galmudug oo ansixiyay Sharciga Golayaasha Deegaanka Dawladaha Hoose
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 22|  2020—Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug kulankoodii maanta ku ansixiyay Sharciga Golayaasha Deegaanka Dawladaha Hoose.

Kulanka ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal, ajandaha kulan ayaa ahaay,

Ansixinta Hindise-Sharciyeedka Golayaasha Deegaanka Dowladaha Hoose.

Falanqeynta Hannaanka Doorashada Labada Aqal ee Federaalka iyo Kaalinta Baarlamaanka Galmudug

Sharcigaan Golayaasha Deegaanka Dawladaha Hoose ayaa waxaa soo diyaarisay Wasaarada arimaha Gudaha iyo Dowldaha hoose, iyadoo Baarlamaanka usoo gudbisay kadib markii ay soo ansixiyeen Golaha Wasiirada Galmudug.

Gudiga Dastuurka iyo dib uhishiisiinta iyo arimaha gudaha Baarlamaanka Galmudug ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka maanta ka dalbaday in ay insixiyaan kadib markii ay soo idlaatay waqtigii dib u eegista Sharcigaan,Waxaa ogolaatay meelmarinta sharcigan Golayaasha Deegaanka Dawladaha Hoose.

,48 Xildhibaan, waxaa diiday 3 Xildhibaan waxaana ka aamusay, 1mudane, sidaas ayuuna ansax ku noqday,sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal

Wasiir ku xigeenka Wasaarada arimaha Gudaha iyo iyo Dowlaha hoose Axmed Cusmaan (qooje) ayaa umahad celiyay Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug isaga oo sheegay in sharcigaan sida uu yahay ay ugu hogaansami doonaan.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post