432 Views

Ruushka oo mar kale duqeeyay magaalo muhiim u ah Ukraine

Ruushka oo mar kale duqeeyay magaalo muhiim u ah Ukraine
____________________________________________________________________________


Talaado: May 3, 2022

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay inay dib u billowday weerarka warshadda biraha ee ku taalla magaalo-dekadeedka Mariupol ee UKraine, kaddib markii ciidamada Ukraine ee halkaas ku sugan ay ku eedeysay inay jebiyeen heshiiska xabbad joojinta.

Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay in duqeymo cirka ah iyo madaafiic ay u adeegsadeen warshadda Azovstal, iyadoo ku eedeysay ciidamada UKraine inay dagaal qorsheynayeen.

Isniintii, rayidkii ugu horreeyay ee laga saaray halkaas ayaa gaaraymagaalada Zaporizhzhia oo ay Ukraine maamusho, balse weli wax war ah lagama hayo halka ay ku dambeeyaan kolonyadii cusbeyd ee la doonayay inay maanta baxaan.

Dhanka kale, xafiiska madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in Emmanuel Macron iyo Vladimir Putin ay wada hadalkoodii ugu horreeyay wax ka badan hal bil ku yeelanayaan qadka telefoonka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post