897 Views

Trump oo wajahaya qorshe xilka qaadis ah

Trump oo wajahaya qorshe xilka qaadis ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 11, 2021—Dadaallo lagu doonayo in mar kale lagu soo gole joojiyo madaxweynaha xilku kasii dhamaanayo ee Maraykanka Donad Trump, ayaa ka socda Congress-ka Maraykanka.

Xildhibaanada Aqalka Wakiilada ee ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga ayaa sheegay in ay golaha hor keenayaan mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha. Mooshinkan oo kadibna u gudbi doona Aqalka Senate-ka ayaa la filayaa in lasoo gudbiyo maanta.

Dimoqraadiga ayaa madaxweyne Trumo ku eedeynaya shaqaaqadii Arbacadii ka dhacday xarunta Congress-ka, xilligaas oo ay galeen taageerayaal carreysan oo ka mid ah kuwa madaxweynaha.

Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka, Nancy Pelosi ayaa xildhibaannada la wadaagtay qorshooyin xilka looga qaadayo Madaxweyne Donald Trump kahor inta uusan billaaban hannaanka xil ka qaadista.

Ms Pelosi ayaa sheegtay in codka la qaadayo maalmaha soo socda lagu doonayo meel marinta qaraar ugu baaqaya Madaxweyne Ku Xigeenka Mike Pence inuu xilka madaxtinnimada uga qaado Mr Trump.

Dimuqraaddiyiinta ayaa kaddib Mr Trump ku soo oogi doona eedeymo kicin ah iyo doorkii uu ku lahaa weerarkii dhismaha Capitol.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post