948 Views

Dagaal goor dhawayd ka bilaawday deegaanka Dhurwaa-dheere oo qiyaastii magaalada Guriceel u jirta 85 Km.

Dagaal  goor dhawayd ka bilaawday deegaanka Dhurwaa-dheere oo qiyaastii magaalada Guriceel u jirta 85 Km.
____________________________________________________________________________

Talaado: 9/2/2021

Dagaal aad u qaraar ayaa goor dhawayd ka bilaawday deegaanka Dhurwaa-dheere oo qiyaastii magaalada Guriceel u jirta 85 Km.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Dagaalkan uu u dhaxeeyo Beelaha Mareexaan iyo Cayr oo halkaas wada Daga.

goob jooge ku sugan Dhurwaa_Dheere oo Saxaafada la hadlay ayaa  sheegay in uu arkay 5 qofood oo meeyda iyo 4 qofood oo dhawaaca kuwaas oo ay ka carareen beesha Mareexaan oo dagaalka soo qaaday, dhinaca kale qasaaraha soo gaaray beesha Cayr ayaa lagu sheegay 3 qof oo dhaawaca,

Waxaa socda Gurmad farabadan oo ka kala baxay Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb kuwaa oo ku sii socda Deegaanka Dhurwaa_Dheere,

Sidoo kale maamulka Madaxweyne Qoor Qoor ayaa mudooyinkii la soo dhaafay aanooyin Qabiil oo u dhaxeeyay Beelahaasi, ay ka gaariwaayeen wax Natiijo ah Mamulka Galmudug.

Waxaa qoray Said_Osman_Gabayre

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post