702 Views

Maxkamadda Racfaanka Kenya oo diiday qorshihii BBI ee wateen Uhuru iyo Raila

Maxkamadda Racfaanka Kenya oo  diiday qorshihii BBI  ee wateen  Uhuru iyo Raila
____________________________________________________________________________

Sabti: August 21, 2021

Maxkamadda Racfaanka Dowladda Kenya ayaa diiday, kuna tilmaantay sharci darro qorshe ay Madaxweyne Uhuru iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Wadankaasi ay ku doonayeen inay wax uga badalaan Dastuurka Kenya, kaasoo soo jiitamayay sadexdii sano ee lasoo dhaafay.

Hindisahan ay Maxkamaddu is-hortaagtay ee BBI ayaa waxaa qodobada ku jIray kamid ahaa in dalka Kenya uu yeesho jagada Ra’iisal Wasaare, inka badan 70 xildhibaan oo cusub iyo qodobo kale.

Hindisahan oo loogu yeeray BBI, wuxuu dib u qaabeyn ku sameyn lahaa hanaanka doorasho ee iminka oo ah, in cidda ugu codadadka badan ay qaadato xilka uga sarreeya dalka, wuxuuna awoodda baarlamanka iyo tan fulinta ka dhigi lahaa mid siman. Wuxuu sidoo kale abuuri lahaa jagada ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale Dadka dhalleeceeya qorshahan ayaa ku macneeyey mid Kenyatta, oo aan u ordi karin doorashada madaxweyne ee dhaceysa 9-ka August 2022, maadaama uu dhameystay labadiisa muddo xileed, u ogolaaneysa inuu xilka sii hayo isaga oo abuuraya jagada ra’iisul wasaraaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post