927 Views

Kooxda Al-Shabaab oo sheegtay Mas’uuliyada Qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab oo sheegtay Mas’uuliyada Qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho.
____________________________________________________________________________

 May 9 2021

Al-shabaab ayaa sheegatay qaraxii caawa ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan saldhiga Booliska degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa fuliyey qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ee beegsaday saldhiga Waaberi oo ku yaalla wadada Maka Al Mukarama.

Saraakiil uu ka mid ahaa Allaha u naxariisto Gaashaanle Cabdi Baasid ahaa ku xigeenka Taliyaha Qeybta Waliyow Cadde ee Booliska Gobalka Banaadir iyo Taliyhii Saldhiga Degbada waabari Bashiir ayaa ka mid ahaa dadkii dhintay Qaraxaas.

Sidoo kale isla caawa Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka argagixiso ee caawa lagu qaaday Saldhigga Booliska Dagmada Waaberi .

Laamaha amaanka DF ayaan weli wax war ah ka soo saarin qaraxan oo noqonaya kii ugu ugu horeeyey noociisa ah ee ka dhaca Muqdisho tan iyo markii la guda galay bisha Ramadaan oo haatan geer gebogebo ah.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post