1248 Views

Farmaajo iyo Midowga Musharixiinta oo gaaray goor dhawayd Teendhada AfisyoonI

Farmaajo iyo  Midowga Musharixiinta oo gaaray goor dhawayd Teendhada AfisyoonI
____________________________________________________________________________

May 27 2021

Wararka ka imaanaya Teendhada AfisyoonI  ayaa sheegaya in halkaas ay gaareen Madadax uu ka mid yahay Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday farmaajo iyo Midowga Musharixiinta, waxaana halkaas  ka socda qaban-qaabadii ugu dambeysay ee u diyaar-garowga munaasibadda lagu soo xirayo shirka arrimaha doorashooyink.

.

Xarunta teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ilaa hadda soo gaaray oo ku sugan wakiilo ka socda mdaxda ka qeyb-galeysa munaasibadda, qaar ka mid ah Midowga Musharixiinta Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday farmaajo.

Sidoo kale Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa inay xarunta shirka lagu soo xirayo, sidoo kalena lagu saxiixayo heshiiskii doorashada ay gaaran madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xubno kamid ah Midowga Musharixiinta iyo madaxda kale ee lagu marti qaaday.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post