1464 Views

Puntland oo u jawaabtay Wasiir Goodax

Puntland oo u jawaabtay Wasiir Goodax
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 18, 2019 –Maalin ka hor Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre waxa uu sheegay in Puntland ay diiday ka qeyb galka Imtixaanka ay qaadeyso Dowladda,waxaana hadalkaas jawaab ka bixiyey Maamulka Puntland.

 

Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Puntland Ismaaciil Maxamed Mursal ayaa sheegay in Puntland ay hogagaamiso Waxbarashada Soomaaliya oo dhan,waxaana uu balan qaaday in ardayda Puntland waxbarasho beeli doonin.

Waxa uu sheegay in hadalka kasoo baxay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya uu yahay mid gef ku ah Dastuurka dalka, isaga oo ka dalbaday in uu raali gelin ka bixiyo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment