882 Views

Maxkamadda Sare oo dhageysatay kiiska Obama Care

Maxkamadda Sare oo dhageysatay kiiska Obama Care
____________________________________________________________________________

Inta badan garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa muuqda in ay ayidi doonaan Sharciga Daryeelka Jaban ee Caafimaadka ee loo yaqaanno Obama Care, kaasoo ah caymis caafimaad oo ay ku tirsanyihiin malaayiin qof oo Mareykanka.

Dhageysigi u horreeyay ee dacwadda ka dhanka ah Caymiska Caafimaadka Obama Care, ayay laba xaakim oo muxaafid ah oo kala ah Guddoomiyaha Garsoorayaasha Maxkamadda Sare John Roberts iyo garsoore Brett Kavanaugh, ay labaduba soo jeedyeen jawaabo muujiyay in ay la safa doonaan saddexda garsoore ee dimoraadiga ah, taasoo suurta-gelin doonta in sharciga Caymiska Caafimaadka Obama Care uu sii jiro.

Tan iyo marki lasoo saaray Xeerkaan Caafimaadka sannadki 2010-ki, Jamhuuriyiinta ayaa aad uga soo horjeeday. Caymiskaan ayaa ku dhiirigelinaya in dadka uu dakhligoodu yaryahay ay qiimo raqiis ah ku heli karaan, taasoo ay uga maarmi karaan gadashada ceymisyada kale ee caafimaadka ee gaarka loo leeyahay.

Marki ay dhamaatay dhageysigi maxkamadda ee Talaadadi shalay, ayuu Joe Biden oo ah ninka loo saadalinayo inuu ku guuleystay doorashadi madaxtinimada uu wariyaasha u sheegay, in ay aad muhiim u tahay in xeerkan caafimaadka uu sii jiro, maadaama buu yiri uu badbaadiyay nolosha qoysas badan oo dhaqaalahoodu uu liito.

Sagaalka Garoose ee Maxkamadda Sare oo lix ka mid ah ay yihiin muxaafid, saddexna dimoqraadi, ayaa marka uu dhageysiga kiisani dhamaado, u codeyn doono in Obama Care uu sii jiro ama in la baabi’iyo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post