1197 Views

Caro ka dhalatay Soomaalida dilalka loogu geysto Koonfur Afrika

Caro ka dhalatay Soomaalida dilalka loogu geysto Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

Mogdishu | QOL | Febaraayo 25, 2019 –Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa kordhay dilalka Soomaalida loogu geysto dalka Koonfur Afrika,waxaana todobaadkii la soo dhaafay dalkaas lagu dilay in ka badan 10 Ruux oo Soomaali ah,kuwaas oo ganacsi ahaan u tegay.

Qaar ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed ayaa walaac xoogan waxa ay ku muujiyeen dilalkaas,iyaga oo sheegay in ay tahay wax laga xumaado in maalin walba dhalinyaro Soomaliyeed lagu dilo dalkaasi Koonfur Afrika.

Madaxda ugu sareysa dowladda Federalka Soomaliya ayay ugu baaqen in dowladda Koonfur Afrika kala xisaabtamaan dhalinyarada Soomaalida ee ku ganacsada dalkaas ee maalin walba la dilayo.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku sugan Soomaali farabadan oo Ganacsi ahaan u tegay,kuwaas oo mar walba ay dil iyo dhac ay u geystaan Burcad Koonfur Afrikaan ah balse aysan jirin dowlad kala hadasha.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogdishu 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment