525 Views

Soomaaliya iyo AU oo ka heshiiyey qorshaha amniga Qaranka

Soomaaliya iyo AU oo ka heshiiyey qorshaha amniga Qaranka
____________________________________________________________________________

Sabti: January 22, 2022

Guddiga farsamada ee dowladda Soomaaliya u qaabilsan wadaxaajoodka, hanaanka kala wareega amniga Qaranka ayaa shaaciyey in if-garad lagu gaaray shir ay la yeesheen xubno ka socday golaha amniga iyo nabadda ee Midowga Afrika.

Kulanka lagu gaaray heshiiskaan oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa waxaa guddiga ku metelaayay Soomaaliya hoggaaminayay Agaasimaha Guud Wasaaradda Difaaca Qaranka mudane Xasan Maxamed Saciid Samatar.

Sida lagu shaaciyey warbixin hordhac ah, waxaa miro dhalay wadaxaajoodkii ay yeesheen guddiyadu, waxayna dowladda Soomaaliya iyo golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika, is afgarad ka gaareen dib u habeynta iyo qaabka hirgelinta qorshaha ay ciidanka Qaranka ammaanka dalka ugala wareegayaan ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.


Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post