1779 Views

Dowlada Soomaaliya oo xubin buuxda ka noqotay suuqa guud ee dalalka Bariga iyo Koonfurta Afrika

Dowlada Soomaaliya oo xubin buuxda ka noqotay suuqa guud ee dalalka Bariga iyo Koonfurta Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 19, 2018 – Wasiiradda Garsoorka iyo Xeer-ilaaliyayaasha dalalka xubnaha ka ah Suuqa Guud ee COMESA waxay shalay kulan ku yeesheen Caasimadda dalka Zambia ee Lusaka, kaasi oo ay ugu codeeyeen inay Somalia ka mid noqoto dalalka xubnaha ka ah Suuqa Guud ee COMESA.

Kulankaasi oo socday muddo hal maalin ah waxaa lagu saxiixay Heshiiska ay Somalia kaga mid noqonayso Mucaahadada Suuqa Guud ee COMESA ayaana qalinka lagu duuqay.

Hadal ka soo baxay Xoghaynta COMESA ayaa lagu sheegay inay Tallaabadaasi timid, kadib, Wada-xaajood ay Dowladda Somalia iyo Dowladaha xubnaha ka ah Suuqa Guud ee COMESA bilowgii isbuucan ku yeesheen caasimadda dalka Zambia ee Lusaka.

Oggolaanshaha Somalia ee xubninnimadda Suuqa COMESA  waxay kordhisay tirada dalalka xubnaha ka ah Suuqaasi O OAH KAN UGU WEYN EE Ganacsiga Afrika, waxaana haaatan COMESA xubno ka ah 20-Waddan.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment