738 Views

Kulamo loogu baroor diiqayo Amiir Philip oo caalamka ka socda

Kulamo loogu baroor diiqayo Amiir Philip oo caalamka ka socda
____________________________________________________________________________

 April 11-4-2021

Kulamo loogu baroor diiqayo Amiir Philip ayaa ka socdaa kaniisado dhowr ah oo ku yaalla guud ahaan caalamka.

Mar sii horreysay Ra’iisul Wasaaraha Australia iyo barasaabka guud ee dalkaas ayaa munaasabad loogu duceynayo Amiirka kaga qeybgalay magaalada Sydney.

Waxaa socota diyaar garowga duugta Amiir Philip, oo ah seyga Boqorad Elizabeth II, kaas oo geeriyooday maalinimadii Jimcaha.

Amiirka oo 99-sano ahaa, ayaa waxaa faahfaahinta duugtiisa lagu dhawaaqi doonaa maalmaha soo socda, balse waxaa la filayaa in ay noqon doonto munaasabad, oo aysan noqon doonin arin weyn oo dalka u taalla sidii lagu yaqaannay geerida qof boqortooyada ka tirsan.

Waxaa la shaaciyay in Amiirka la aasi doono Sabtida soo socota, oo ku beegan 17-ka April.

Amiir Philip ayaa la sheegay inuu codsaday in loo sameeyo munaasabad yar, dadkuna ma awoodi doonaan inay daawadaan naxashkiisa, waxaana lagu aasi doonaa Windsor Castle.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post