930 Views

Madaxweynaha Ukraine oo ku boorriyay waddamada Carabta in ay sare u qaadaan wax soo saarkooda gaaska dabiiciga ah

Madaxweynaha Ukraine oo  ku boorriyay waddamada Carabta in ay sare u qaadaan wax soo saarkooda gaaska dabiiciga ah
____________________________________________________________________________


Axad: March 27, 2022

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa ku boorriyay waddamada khaliijka Carabta in ay sare u qaadaan wax soo saarkooda gaaska dabiiciga ah si ay Ruushka uga hor istaagaan inuu tamarta u adeegsado hub ahaan.

Mr Zelensky ayaa shirka Doxa farriin muuqaal ah ugu sheegay in mustaqbalka Yurub uu ku xiran yahay dadaalka ay waddamada Khaliijka u sameeyaan sidii Ruushka loo fana siin lahaa in uusan gaaska u isticmaalin nooc rakaateyn ah.

Goor sii horreysay ayuu Ruushka ka codsaday in ay wadaxaajood nabadeed oo dhab ah la galaan kaddib markii sida uu sheegay ay militeriga Moscow la kulmeen guul darrooyin waaweyn.

Mr Zelensky ayaa sheegay in ciidamada Ukraine ay khasaare culus u geysteen militeriga Ruushka, ayna dileen taliyeyaal sar sare.

Waxa uu sheegay in wadahadallada ay Khasab tahay in natiijadooda ay noqoto sidii Ukraine ay xor ugu noqon lahayd dhulkeeda, hase yeeshee ma jiraan wax astaamo ah oo muujinaya in Ruushku ay shuruuddaas aqbali doonaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post