411 Views

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam oo  soo gaaray Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Sabti: SEPTEMBER 10, 2022

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo shir dhowaan ay yeelan doonaan Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka.

Wasiiro ka tirsan Xukumadda Federaalka, Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland iyo wefdigiisa.

Dhinaca kale, Madaxda dowlad goboleedyada ayaa lagu wadaa in iyana saacadaha soo socda ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan Shirka Golaha Amniga Qaranka oo dhowaan furmi doona.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post