1008 Views

Shir goor dhawayd ka furmay Xalane oo Wakiillada beesha caalamka uga hadlayan xaaladda Soomaaliya

Shir goor dhawayd ka furmay Xalane oo Wakiillada  beesha caalamka uga hadlayan xaaladda  Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Feb: 20/2/2021

Waxaa hadda magaalada Muqdisho ka socda shir wakiillada  beesha caalamka ay uga arrinsanayaan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Shirkan oo ka socda xerada Xalane ayaa looga hadlayaa xaaladihii u dambeeyey ee siyaasdda Soomaaliya oo haatan cakiran.

Beesha Caalamka ayaa horay walaac uga muujisay khilafka ka taagan doorashooyinka dalka iyo isku dhacyadii shalay ay marti geliysay Muqdisho.

Go’aano la xiriira arrimaha siyaasdeed ee Soomaaliya ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu ka soo baxo beesha caalamka.

Jimcihii shalay magaalada Muqdisho ayaa gashay bandow iyo isku dhacyo, kadib markii dowladdu ay awood u adeegsatay ka hor tagga banaanbax ay iclaamiyeen musharaxiinta mucaaradka ah ee Soomaaliya.

Hasa yeeshee xaaladda magaalada ayaa maanta oo Sabti ah ku soo noqotay si caadi ah, waxaana sidoodii hore ku soo noqday howl maalmeedkii caadiga ahaa ee dadweynaha, sidoo kale dhamaan wadooyinka magaalada ayaa loo isticmaalayaa si caadi ah, intoodii horay u furneyd

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post