1134 Views

Afhayeenka Iran oo sheegay in kormeerayaasha caalamiga ah aysan mar dambe heli karin sawirada

Afhayeenka Iran  oo  sheegay in kormeerayaasha caalamiga ah aysan mar dambe heli karin sawirada
____________________________________________________________________________

May 23 2021

Afhayeenka baarlamaanka Iran ayaa Axadda maanta ah sheegay in kormeerayaasha caalamiga ah aysan mar dambe heli karin sawirada lagula socdo goobaha Nuclearka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, taasi oo sii adkeyneysa xiisadaha ka aloosan dadaallada diblomaasiyadeed ee ka socda magaalada Vienna, kaasi oo lagu badbaadinayo heshiiskii nukliyeerka ee ay Tehran la gashay quwadaha dunida.

Hadalka afhayeenka baarlamaanka Iran Mohammad Bagher Qalibaf, oo laga sii daayay TV-ga dowladda ayaa sii murjinaya rajadii yareyd eel aga qabay in Mareykanka iyo quwadaha kale ay heshiis la gaaraan Iran.

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa kobcineysa islamarkaana keydineysa uranium-keeda heer aad uga sarreeya intii loogu oggolaaday heshiiskeedii nukliyeerka ee 2015-kii.

Wakaaladda Caalamiga ah ee Atomikada ayaa sheegtay in agaasimaheeda guud uu weriyeyaasha gelinka danbe ee maanta magaalada Vienna kula hadli doono wariyeyaasha. Hay’addan oo hoostagta Qaramada Midoobay ayaan wax war ah si dhakhsa ah uga soo saarin hadalka ka soo yeeray Iran.

Baarlamaanka Iran ayaa bishii December ansixiyay sharci joojin doona qayb ka mid ah kormeerka QM ee xarumaheeda nukliyeerka, haddii aysan saxiixayaasha reer Yurub fidin gargaar la xiriira cunaqabateynta saliidda iyo bangiyada illaa bishii February.

IAEA ayaa kula heshiisay Iran in muddo saddex bilood ah ay keydiso sawirada lagula socdo xarumeheeda, laakin Tehran ayaa ku hanjabtay in ay mudadaas ka dib tirtiri doonto haddii aan heshiis la gaarin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post