1098 Views

Kenya oo shaacisay sababtii ay u joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdsho & Nairobi

Kenya oo shaacisay sababtii ay u joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdsho & Nairobi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 12, 2019 –Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay maalmo kadib markii ay joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi,kaas oo loo wareejiyey Magalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari.

 

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duullimaadka Rayidka Kenya, Kabtan Gilbert  Kibe ayaa sababta loo joojiyey duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdsho & Nairobi ku sheegay arrimo la xiriira sababa amni.

 

Isaga oo la hadlayay wargeysa The Nation ayuu sheegay in duulimaadyadaas la hakiyey ilaa 9-ka Bisha Agoosto intaasi wixii ka dambeeyana dib u eegis lagu sameyn doono si looga gaaro go’aan ah in dib loo bilaabo duulimaadyadii tooska ahaa iyo in gebi ahaanba la joojiyo.

 

Waa markii labaad oo dowladda Kenya ay joojiso duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi,waxaana sanadkii 2016-kii Kenya amartay in duulimadka tooska ah la joojiyo,isla markaana Diyaarada ka ambabaxdo muqdisho ay sii mari jirtay Magalada Wajeer.

 

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay go’aankii Jimcihii ay gaartay Kenya ayaa sheegtay in ay tahay arrimo siyaasadeeed,iyada oo la ogyahay in dowladaha Kenya iyo Soomaaliya uu xilligaan ka dhaxeeya muran la xiriira arrimaha badda.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment