306 Views

War-murtiyeed kasoo baxay Shirkii Siyaasiinta iyo Isimada Dhaqanka SSC (Khaatumo)

War-murtiyeed kasoo baxay Shirkii Siyaasiinta iyo Isimada Dhaqanka SSC (Khaatumo)
____________________________________________________________________________

Sabti: december 17, 2022

) Waxaa shir wadatashi isugu yimid Gollaha Issimada, siyaasiyiinta, waxgaradka, culimadda, haweenka iyo dhalinyarada ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, shirkaas oo ka qabsoomay magaalada Jigjiga markay taariikhdu ahayd 10ka ilaa 15ka Diseember 2022. Shirka waxaa si qoto dheer loo lafaguray xaalaadaha siyaasadda, aaya ka tashiga, amniga, colaadaha, dhaqaalaha, abaaraha iyo arrimaha bulshada ee ka jirta gobollada SSC.

Shirka waxaa ka soo baxay war murtiyeeka hoos ku cad;

1. Shirka aaya-ka-tashiga gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC) waxaa la isla gartay in dib-u-habayn lagu sameeyo qaabdhismeedkii siyaasadda ee gobollada SSC ee Khaatumo, waxaana la yagleelay Hogaanka Gobolada SSC ee Khaatumo oo ku meelgaadh ah kaasoo loo igmaday arrimaha siyaasadda iyo xoraynta ee gobollada SSC.

2. Shirku wuxuu ku guulaystay is-afgarad buuxa, heshiis iyo midnimo dhexmartay dhinacyada siyaasadda si loo xaqiijiyo aaya-ka-tashiga, horumarka, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn;

3. Maadaama maamulka iyo maleeshiyaadka Somaliland ee gardarada iyo duulaanka ku jooga Magaalada Laascaanood iyo qaybo ka mid ah gobolada SSC ay dhegaha ka furaysteen in ay si nabad ah uga baxaan deegaanadaas, waxaa dadka gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn go’aansadeen in si degdeg ah maleeshiyaadka Somaliland looga saaro magaalada Laascaanood iyo degaamada ka midka ah SSC ee xooga lagu haysto, iyadoo la adeegsanayo cudduda ciidan ee ay leeyihiin gobollada SSC.

4. Waxaanu halkan ku cadaynaynaa in colaadaha, amni xumada, dilalka qorshaysan iyo dib u dhaca xaga horumarka ee ka jirta gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ay masuul ka yihiin oo ka dambeeyaan maamulka Somaliland iyo maleeshiyaadkooda. Hadaba si nabad, amni waara, xasilooni iyo horumar loogu soo dabaalo dhamaan gobollada SSC, waxaa lagama maarmaan ah in si degdeg ah maleeshiyaadka Somaliland looga saaro magaalada Laacsaanood iyo deegaanada kale ee gobollada SSC.

5. Waxaanu ugu baaqaynaa Dawlada Federaalka Soomaaliya inay wada hadal iyo xiriir toos ah la yeelato hogaamiyeyaasha siyaasadda iyo dhaqanka ee gobollada SSC si loo suggo midnimada qaranka Soomaaliyeed, loona xaqiijiyo in loo sinaado xaqa aaya ka tashiga iyo horumarka sida u dhigayo dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed. Waxaa kale oo cadaynaynaa in aysan Somaliland marna nagu meteli karin wadahadal kasta oo dhexmara maamulka Somaliland iyo Dawlada Federaalka Soomaaliya.

6. Shirku wuxuu ugu baaqayaa dadweynaha gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn in ay u diyaar garoobaan halganka xoraynta iyo hirgelinta himiladooda aaya ka tashiga, isla markaana si mug lehna ula shaqeeyaan Hogaanka Gobolada SSC ee Khaatumo.

7. Waxaanu ugu baaqaynaa ummada Soomaaliyeed inay nagu taageeraan halganka aan muddada dheer ku soo jirney ee aan ku xaqiijinayno midnimada ummada iyo qaranka Soomaaliyeed.

-Dhamaad-

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post