957 Views

Tababar loo soo xiray Ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug

Tababar loo soo xiray Ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug
____________________________________________________________________________

Tababarkan oo mudo 45-maalmood ah magaalada Dhuusamareeb uga socdey Ciidamada ka howlgala Saldhiga Booliska Caasimadda iyo Ciidamada Birmadka Booliska qaybtooda Galgaduud ayaa maanta loo soo gaba gabeeyay askarta iyo saraakiisha qaybta ka aheyd muddadii uu tababarka socdey.
Taliska Qaybta guud ee Booliska Galmudug oo agaasimey casharada la siinayay askarta iyo saraakiisha ayaa xoogga ku saarey muddadii uu tababarku socdey sare u qaadidda aqoonta Ciidanka loo xareeyay, aqoon kordhintan oo la baray shuruucda Booliska Soomaaliyeed iyo xeerarka caalamiga ah, gaar ahaan la dhaqanka bulshada xiliyada howlgallada socdaan.

Madaxa tababarada Booliska Galmudug, Gaashaanle Dhexe Maxamed Cilmi Gulaafe oo ugu horeyn ka hadley munaasabadda xiritaanka tababarka muddada soo socdey ayaa sheegay in tababarkan ay aqoon badan ka faa’iideysteen.
Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Dhuusamareeb Gaashaanle Maxamed Xassan Sanjeex ayaa xusey in tababarkan uu qayb ka ahaa dadaalada lagu dhisasayo ciidamada.
Taliyaha Ciidanka Birmadka Booliska Galmudug Captain Axmed Cabdikariin oo isna hadal u jeediyay Ciidamada iyo saraakiisha tababarkan dhameystay ayaa ku booriyay in casharadii la siiyey ay ku dabaqaan shaqada ay Bulshada u hayaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post