294 Views

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay howlgallada ay Ciidanka Xoogga iyo dadka deegaanka ka wadaan gobolada dalka

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay  howlgallada ay Ciidanka Xoogga iyo dadka deegaanka ka wadaan gobolada dalka
____________________________________________________________________________

Isniin: September 26, 2022

Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howlgallada ay Ciidanka Xoogga iyo dadka deegaanka ka wadaan gobolada dalka ; khasaaraha ka dhashay dagaalladii u dambeeyay.

War-saxaacadeed ka soo baxay Dowladda ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga iyo Shacabka is abaabulay ay dileen 30 ka mid ah dagaalameyaasha Al-shabaab, lana wareegeen ku dhowaad 15 deegaan

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa howlgaladii ugu dambeeyay ku dilay 30 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, waxaana laga xoreeyey ku dhowaad 15 deegaan

Hawlgalo saf balaaran ah oo lagu ciribtirayo maleeshiyada Al-shabaab ayaa ciidamada xoogga oo garabsanaya xaq dirirka shacabka ee ka kacdoomay falalka arxan darrada ah ee argagixisada waxa ay ka sameeyeen gobalada Galgaduud, Hiiraan iyo Baay.

Hawlgalka Galgaduud: Ciidanka iyo dadka deegaanka ayaa hawlgal qorsheysan kula wareegay deegaanada 1 Ceel la helay 2 Labi-dulle 3 Dhuumoodle, 4 Dhisaqa, 5 Abooreey, 6 Cali wayd
7 Maygaag duub

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post