405 Views

Mareykanka oo sheegay in duqeyn lagu dilay dagalaameyaal ka tirsan Al-shabaab

Mareykanka oo sheegay in duqeyn lagu dilay dagalaameyaal ka tirsan Al-shabaab
____________________________________________________________________________

Khamiis:AUGUST 18, 2022

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa sheegay in dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen duqeyn ay ka fuliyeen deegaanka Teedaan oo hoos yimaada degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, sida lagu shaaciyay Bayaan ka soo baxay Taliska.

“Iyada oo kaashanaysa dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, taliska Maraykanka ee Afrika ayaa qaaday weerar cirka ah oo ka dhan ah argagixisada al-Shabaab oo si dhab ah u weeraray ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed meel fog oo u dhow Teedaan, Soomaaliya, Agoosto 14.”

Qiimaynta hordhaca ah ee taliska ayaa lagu sheegay in duqaynta lagu dilay 13 ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana aanay jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay weerarka” ayaa lagu yiri Bayaan ka soo baxay Taliska Africom.

Duqeynta Mareykanka ayaa ku soo aadaysa xilli howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ay ka socdaan Gobolka Hiiraan, kaasi oo ay wadaan Ciidanka Miletiriga Soomaaliya, kuwa dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo Maleeshiyada Macawiisley.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post