684 Views

xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo Jubbaland kala hadashay 16 kursi ee G/Gedo

xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo Jubbaland kala hadashay 16 kursi ee G/Gedo
____________________________________________________________________________

Arbaco: April 13, 2022

Madaxwayne ku-xigeenka Koowaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa shir ku qabsoomay habka fogaan aragga la yeeshay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Waxaa shirka sido kale qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland iyo qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ee matala Gobolka Gedo, Waxaana kulanka diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira masiirka 16-ka kursi ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

War kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka Koowaad ee Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Kulanka uu kusoo dhammaaday is-afgarad iyo guul sida ay sheegeen masuuliyiinta shirka ka qeybgashay.

Sidoo kale, Warar ayaa sheegaya in Xubnaha ka socday Maamulka Jubbaland ay u sheegeen Wakiilka QM in aan degmada Garbahaareey doorasho lagu qaban karin, sidoo kalena ay  hal dhinac uusan go’aan ka gaari karin qabashada doorashada kuraastaas 16-ka ah.

16-ka kursi ee taalla degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa ah mid khilaafka ka taagan uu yahay mid sii jiitamaya kaas oo u dhaxeeya Villa Soomaaliya, Maamulka Gobolka Gedo oo isku dhinac ah iyo Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe, balse, Beesha Caalamka ay wado dadaalo ay cadaadis ku sarreyso dhinacyada in ay xal ka gaaraan khilaafka ka dhex taagan, maadama arrimihii doorashooyinka ay gabo gabo yihiin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post