816 Views

Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay Magaalada Nairobi

Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay Magaalada Nairobi
____________________________________________________________________________

Talaado: February 8, 2022

Kooxo Burcad ah kuna hubeysnaa bustoolado ayaa muwaadin Soomaaliyeed waxaa ay ku dileen xaafadda Pumwani ee deegaanka Kamkunji ee magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya.

Dilka muwaadinka Soomaaliyeed ayaa ka dambeeyay kadib markii ay wada murmeen Muwaadinka Soomaaliyeed & Kooxaha Burcadda ah oo doonayau inay dhacaan.

Kooxdii Burcadda aheyd ee ka dambeeyay falkaasi dilka ah ayaa goobta ka baxsaday, waxaana goobta tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Kenya luwaas oo doonayay inay qabtaan Burcadda balse aysan ku guuleysan.

Saraakiil katirsan Booliska Kenya ayaa Warbaahinta u sheegay in ay wadaan baaritaano dheeri ah oo ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Kooxda Burcadda aheyd ee ka dambeeyay falkaasi dilka ah.

Degaannada hoostaga Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa kusoo batay falalka Amni darro, iyada oo Bulshada ay ka cabanayaan Kooxaha Burcadda ah ee dhaca u geeysanaya.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post