873 Views

Guddoomiya Ciro oo sheegay waqtiga ay bilaaban doonaan doorashada golaha shacabka.

Guddoomiya Ciro oo sheegay waqtiga ay bilaaban doonaan doorashada golaha shacabka.
____________________________________________________________________________

khamiis: September 30, 2021

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer federaalka Maxamed Xasan Ciro oo la hadlay Laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa sheegay in todobaadka soo socda ay bilaaban doonaan qabashada doorashada xildhibaanada golaha shacabka ah ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Maxamed Xasan Ciro ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay socdaan diiyaar garow ku aadan sidii loo guda geli lahaa qabashada doorashada golaha shacabka ee BFS.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay inaysan jirin wax caqabad ah oo hortaagan in la qabto doorahsada golaha shacabka ah, isagoona shaaca ka qaaday in ay hayaan dhaqaalihii loogu tala galay in lagu qabto doorashada.

Sidoo kale hadalka  Guddoomiyaha ayaa imaanaya xili weli aan la dhameystirin xubnaha ka harsan kuraasta aqalka sare ee BFS,iyadoona maamulada kala  ah Galmudug, Hirshabelle iyo Jubbaland alaga sugayo in ay soo dhameystiraan xubnaha ka harsan ee aqalka sare.

KulmiyeNews

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post