840 Views

Cutubyo ka tirsan Gorgor oo dhameystay tababar militeri oo la dhaariyey

Cutubyo ka tirsan Gorgor oo dhameystay tababar militeri oo  la dhaariyey
____________________________________________________________________________

Isniin: july 19, 2021

Cutubyo ka tirsan Guutada 9-aad ee ciidamada kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor ayaa  tababar loogu soo xiray xerada tababarrada ciidamada Soomaaliya ee Turkisom.

Munaasabad lagu dhaariyey ciidamada soo dhameystay tababarka ay ku qaateen dugsiga tababarka militeriga Soomaaliya ee TurkiSom ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay xeradaas.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka qeyb galay xaflada dhaarinta ciidamadaan oo qeyb ka noqonaya kumandooska xoogga Soomaaliya ee Gorgor.

Tababarro iyo tayeyn xoog leh ayaa ku socota ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya, waxayna haatan ciidamadii horay u soo dhameystay tababarrada ay gobollada dalka ka wadaan howlgallo ka dhan ah argagixisada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post