1473 Views

Xildhibaan Boqore Oo Muqdisho Lagu Dilay

Xildhibaan Boqore Oo Muqdisho Lagu Dilay
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 23, 2019–Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa Goordhow waxa ay gudaha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ay ku dileen Xildihaab ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay u sheegeen in dilka uu ka dhacay Xaafad ka tirsan Degmadaasi,isla markaana loo geystay Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka.

Allaha u naxariistee Xildhibaanka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cismaan Cilmi Boqore,iyadoo ragii ka dambeeyay dilkiisa oo watay gaari ay goobta si deg deg ah uga baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa goobta uu dilka ka dhacay tegay,iyagoo halkaasi ka qaaday Meydka Xildhibaanka.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in la qabtay ragii ka dambeeyay dilkaas ka dhacay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment