912 Views

Midowga Yurub oo Berbera ka dhagax dhigay mashruuc laga hormarinayo Xeebta Bataale.

Midowga Yurub oo Berbera ka dhagax dhigay mashruuc laga hormarinayo Xeebta Bataale.
____________________________________________________________________________

Mashruuc lagu horumarinayo xeebta Bataale ee Somaliland uuna maalgelinayo Midowga Yurub ayaa Sabtida maanta ah la dhagax-dhigay, iyaddoo uu goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin uu kamid yahay wakiilka EU-da ee arrimaha Soomaaliya, Nicolás Berlanga Martínez.

Mashruucaan oo ay fulin doonaan Dawladda Hoose ee Berbera iyo UN-Habitat 7 billood ee soo socota ayaa qayb ka ah mashruuca horumarinta magaalooyinka ee Midowga Yurub maalgalinayo soo bilaawday sanadkii 2020.

Mashruuca Xeebta Berbera, oo si gaar ah diiradda u saari doona ka mid noqoshada iyo abuurista hab-nololeedka, wuxuu yeelan doonaa goob loogu talagalay lamaanayaasha, goob u gaar ah haweenka, Ciyaaraha iyo adeegyada ay u baahanyihiin dhallinyarada, Suuq laga adeegto iyo goobo ay ku nasan karaan dadka u damaashaadka taga xeebta Berbera.

“Mashruuca cusub ee xeebta Berbera ma noqon doono oo keliya mid soo jiidasho u leh dadka reer Berbera, laakiin sidoo kale wuxuu noqon doonaa fursad dhaqaale oo u gaar ah. Waxa ay soo jiidan doontaa tiro badan oo dalxiisayaal ah sidaas awgeedna waxa ay u abuureysaa dakhli gobolka, fursado ganacsi oo loogu talagalay shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo shaqo toos ah iyo mid aan toos ahayn oo loo helo dadka deegaanka, ”ayuu yiri Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga Martinez.

Ishaku Maitumbi, Sarkaalka gacanta ku haya Barnaamijka UN-Habitat Somalia, ayaa ku booriyay dadka deegaanka in ay ilaaliyaan nadaafada deegaanka xeebta Berbera una soo jiidato dalxiisayaasha aduunka isla markaana ko loogu qaado adeegyada bulshada, shaqo abuurka iyo kor u qaadida dakhliga deegaanka.

Dawladda hoose Berbera, ayaa sheegtay in xeebta Batalaale ay tahay goobta mudnaanta 1 aad u leh dib-u-cusbooneysiinta magaalada Berbera ka dib isbeddellada hadda jira ee koritaanka magaalada iyo talooyinka ka soo baxay dib-u-eegista Qorshaha Istiraatiijiyadda hormarinta deegaanka ee sanadkii 2017.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post