108 Views

Wasiirka caddaaladda Turkiga iyo Dilkii uu geystay wiilka MD Xasan Sheekh

Wasiirka caddaaladda Turkiga iyo Dilkii uu geystay wiilka MD Xasan Sheekh
____________________________________________________________________________

Wasiirka caddaaladda Turkiga, Yılmaz Tunç, ayaa sheegay in Maxamed Xasan Sheekh Maxmuud oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya oo lagu eedeeyay in uu sabab u ahaa shil gaari oo uu ku dhintay nin mootoole ah oo ka dhacay magaalada Istanbul uu dib ugu soo laaban doono dalka Turkiga.

Wasiirka oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Ankara ayaa sheegay in kulamo uu la qaatay hay’adaha garsoorka Soomaaliya, wuxuuna yiri “Maalmaha soo socda waxaa suurtagal ah in eedaysanaha uu yimaado Turkiga oo uu ka qeyb galo dacwadda arrintaasi ku saabsan”.

Wiilka uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in uu galay shilka dhimashada keenay, kaas oo ka dhacay waddada Aksaray Kennedy ee magaalada Istanbul, waxaan ku geeriyooday Yunus Emre Göçer oo 36 jir Turkish ah.

Baabuurka uu watay Maxamed Xasan Sheekh Maxmuud ayaa ku dhacay mooto uu watay ninka geeriyooday, sida laga arkay muuqaal ay duubeen kaamirooyinka qarsoon taas oo bartiisa X uu soo dhigay duqa magaalada Istanabul, waxaana xilligaas ninka soo gaaray dhaawac, basle lixdii bishaan ayuu geeriyooday.

Warbixinta hordhac ah ayaa lagu sheegay in wax khalad uusan lahayn Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud sidaas darteedna eedaysanaha loo sii daayay, basle wasiirka Cadaaladda Turkiga wuxuu sheegay in warbixinta labaad ay daaha ka qaadday inuu khalad leeyahay.

Yılmaz Tunç wasiirka caddaaladda Turkiga waxaa kale oo uu sheegay in baaritaanka dambe ee la saameeyay iyo kii hore uu farqi weyn u dhaxeeyo ayada oo kan dambe uu qeyb ka ahaa shaybaarka.

Wasiirka ayaa horey u sheegay in “Baaritaan maxkamadeed lagu bilaabay askartii booliska ahayd ee tagtay goobta fal dambiyeedka isla markaana keenay qiimeynta khaladka ah billowgeedii shilka.”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee AP ku sheegay in “wiilkiisa uusan baxsan ee uu howlo shaqo u aaday dalka dibaddiisa, waxaa kale oo uu xusay in uu la hadlay uuna u sheegay in dalka dib ugu laabto oo maxkamadda uu wajaho,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Istanbul wuxuu sheegay in warbixinta shilka ee la diyaariyay isla markiiba ka dib dhacdada ay mujinaysay in darawalka mootada uu xadgudbay sharciga, ayada oo sidaasi lagu sii daayay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud.

________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post