642 Views

Tiro carruur ah oo baabuur xamuul ah lagu jiirsiiyay Dalka Nigeria

____________________________________________________________________________

Arbaco: December 8, 2021

Labo carruur ah ayaa ku dhimatay dalka Nigeria halka 12 kalena ay dhaawacmeen markii baabuur xamuul ah uu ardeydan ku jiiray magaalada Lagos talaadadii, sida ay booliska sheegeen.

Gaariga xamuulka ah ayaa la sheegay inay ku timid cilad farsamo taas oo horseeday in darawalkii gaariga uu xakameyn waayay.

Goobjoogayaal ayaa BBC-da u sheegay in carruurtan ay ka soo laabteen iskuul, kaddib markii uu darawalka uu jiirsiiyay baabuurka xilli ay waddada goynayeen.

Wararka ayaa sheegaya in darawalkii uu damcay inuu baxsado kadib markii uu carruurta ku dhuftay baabuurka balse waa la eryaday kadibna waa lasoo xiray.

Dhacdadan ayaa jahwareer ka dhalisay halkaas markii ardey ka carootay falka ay bilaabeen inay weerarada darawallada isla markaana ay burburiyeen baabuurta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post