1155 Views

Qaramada Midoobay oo bilowday in ay shaqaalaha ka bixiso Afghanistaan Kabul

Qaramada Midoobay oo bilowday in ay shaqaalaha ka bixiso Afghanistaan Kabul
____________________________________________________________________________

Arbaco: August 18, 2021

Qaramada Midoobay ayaa billowday inay Afghanistan ka bixiso ilaa 100 shaqaale caalami ah, si ay uga shaqeeyaan Kazakhstan, sida uu sheegay afahayeen u hadlay hay’adda.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu carrabka ku adkeeyay in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay inay sii joogto oo ay taageero gaarsiiso dadka reer Afgaanistaan xilliga ay u baahan yihiin.

‘‘Tani waa tallaabo ku -meelgaar ah oo loogu talagalay in Q/M ay awood ugu yeelato inay sii waddo gargaarka ay siiso dadka reer Afgaanistaan, iyadoo isla markaana hoos u dhigaysa halista shaqaalaha Qaramada Midoobay’’, ayuu yiri Durjarric.

Qaramada Midoobay, ayaa Afghanistan waxaa ka jooga ku dhawaad 300 oo shaqaale caalami ah iyo 3,000 oo shaqaale reer Afgaanistaan ah

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post