867 Views

boggaga rasmiga ah ee Taleefishinka Qaranka oo laga tiray warkii xVilla Soomaaliya

boggaga rasmiga ah ee Taleefishinka Qaranka oo laga tiray warkii xVilla Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Arbaco: September 8, 2021

Qilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday iyo Raisal wasaaraha Xilgaarsiinta ayaa gaaray Warbaahinta qaranka in ay joojiyaan warka ka soo baxay  Villa Somaliya.

 warbaahinta dowladda ayaa gebi ahaanba joojisay faafinta war saxaafadeedyada kasoo baxa xafiiska madaxweynaha, tan ayaa ka dambeysay markii boggaga rasmiga ah ee Taleefishinka Qaranka laga tiray warkii xalay kasoo baxay Villa Soomaaliya ee lagu magacaabay taliyaha cusub ee nabad suggida.

Balse Radio Muqdisho iyo telefishinka Qaranka ayaa daabacay oo aan illaa hadda ka saarin qoraalka jawaabta ah ee ra’iisal wasaaraha.

Warbaahinta gudaha qaar ayaa tabinaysa in boggaga warbaahinta dowladda laga saaray saraakiishii Villa Soomaaliya ee warfaafinta ee galaangalka u lahaa in ay wax soo galin karaan, balse ma jirto cid madax banaan ama labada dhinac ka tirsan oo arrintan qirtay.

Waxay u muuqataa in warbaahinta dowladda ay la safatay dhanka ra’iisal wasaaraha.

Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa weji cusub yeeshay kadib markii uu Madaxweynaha wareegto xalay ku magaacabay taliyihii shaqa joojinta lagu sameeyay ee Fahad Yaasiin oo uu ka dhigay la-taliyihiisa amniga qaranka.

Sidoo kale Farmaajo ayaa dhanka kale si kumeelgaar ah xilka uu banneeyay Fahad ugu magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo ahaa Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post