489 Views

William Ruto ” Uhuru Kenyatta intaan madaxtooyada ugu tagay ayaan dharbaaxi rabay’

William Ruto ” Uhuru Kenyatta intaan madaxtooyada ugu tagay ayaan dharbaaxi rabay’
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 05, 2022

Madaxweyne ku xigeenka hadda xilka haya ee dalka Kenya, William Ruto, ayaa ka jawaabay cod sir ah oo lasoo dusiyay, kaasoo ku saabsan mar ay labada mas’uul si wayn isu khilaafeen.

Codka la faafiyay ayaa laga maqlayaa Ruto oo sida la sheegay qiranaya in uu ku sigtay inuu dharbaaxo Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Maalmihii lasoo dhaafay ayuu mowduucan Kenya ka dhaliyay hadal-hayn ballaaran.

Isusoobax siyaasadeed oo uu maanta ku qabtay magaalada Meru ayuu Ruto uga hadlay codka la isla dhex marayo, isagoo u muuqday in uu qirayo inuu codkiisa yahay, hadalladaasna uu yiri.

“Xitaa codkaas aad kasii daynaysaan raadiyeyaasha, oo aad leedihiin William Ruto siduu gadaal uga riixay Uhuru?, oo ma waxaad rabteen in Uhuru Kenyatta uu iska dhaafo kursiga oo aan annagu usoo kacnay kow iyo toban saac si aan ugu codayno oo uu madaxweyne u noqdo, ma idinka ayaannu idiin dhaafi lahayn?,” ayuu yiri Ruto.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ku saabsan mowduucan oo kasoo baxay dhinaca Madaxweyne Kenyatta.

Labo jeer oo uu xilka qabtay midkiiba shan sano, Mr Kenyatta ayaysan suurtagal u ahayn inuu mar saddexaad isasoo sharraxo, sida uu dhigayo dastuurka.

William Ruto oo lasoo galay labadii jeer ee uu xilka raadinayay ayay hadda isaga soo hor jeedaan siyaasad ahaan.

‘Inaan dharbaaxo ayaan damcay’

Warbaahinta maxalliga ah iyo baraha bulshada ayaa isla dhex maraya in xilliga uu Ruto u gacan qaadi rabay Ruto ay ahayd markii uu madaxweyne Kenyatta “soo jeediyay in uu iska dhaafo xilka kaddib markii ay maxkamadda ugu sarraysa Kenya waxba kama jiraan kasoo qaadday natiijadii doorashadii 2017-kii”.

Ruto ayaa ka carooday arrintaas, maadaama isaga qudhiisa uu xilka Madaxweyne ku xigeenka waayi lahaa haddii uu raaco talada Uhuru Kenyatta.

Codka la faafiyay ayaa la sheegay in uu qayb ka ahaa hadalladii la isku watdaarsaday shir qarsoodi ah oo uu William Ruto ku martiqaaday hoggaamiyeyaasha beesha Kikuyu ee uu kasoo jeedo madaxweyne Kenyatta, kuwaasoo uu la kulmay maalintii Jimcada ee 1-dii bishan July, 2022.

Inta uu codka sirta ah socdo ayaa la maqlayaa Ruto oo dhahaya: “Doorashadii 2017 kaddib, waxaan rabaa inaan idiin sheego, waxaan galnay doorasho waan ku guulaysannay, qofkan wuu baxay wax buu qasqasay kaddib waxaa la yiri aan ku noqonno doorashada, sooma aha?.

“Halkan ayaan ka baxay waxaan tagay madaxtooyada, markii aan madaxtooyada gaaray waxaan kula kulmay saaxiibkeey oo meesha jooga, ma rabo inaan sheego wixii uu samaynayay markaas, sababtoo ah annagu waxaan nahay odayaal…(qosol).

“Markaas ayuu yiri, ‘arrintaan ma aqaanno aniga… ma rabo ayadoo dhanba… aniga waxaan rabaa inaan iska aado Ichaweri, adigana ma aqaan, aan iska dhaafno waxaan…’.

“Aniga waan fiiriyay, waan dhagaystay, xushmad ayaan u hayay mooyee waxaan damcay inaan dharbaaxo. Aan iska dhaafno aa? Aan ka tagno meesha aa? maya maya maya.”

Madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa ayaa in muddo ahba waxaa ka dhaxeeya khilaaf siyaasadeed oo sababay in ay kala go’aan.

Ruto ayaa hadda u taagan tartanka doorashada xilka madaxweynaha, isagoo ku guda jira ololaha uu ku xoojinayo taageeradiisa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post